Madaxweyne Siilaanyo Iyo Booqashadii Daltabyada + Boholyawga Xusuusta Gurigii Hooyo Iyo Kii Dhalasho

0
34

“Waxaan Maanta Soo Eegay Gurigii Hooyaday, Hore Waan U Imi, Waa Dhul Aan Aqaanay, Waan Ka Raagay.”M. Siilaanyo

Hargeysa, (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo weftiga uu hogaaminaayo oo weli socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa u balan qaaday dad weynaha degmooyinka uu marayay ku dhaqan, wax qabad kala duwan oo ay hirgalinayso xukuumaddiisu.

“Waqti danbe ayaanu maraynaa jid dheer ayaanu soo marnay oo Gobolo badan ayaanu soo marnay qaybo kale oo badana way noo hadhsan yihiin. Baahidiina waanu dhagaysanay, waana ku xisaabtamaynaa. Gobolada aanu maraynay iyo inta aanu wareegaynay meel aan baahi sheeganayn ma jirto, laakiin meel waliba waxay qiraysay in dedaalka ay dawladu wadaa aanu yarayn inta uu doono ha le,ekaadee,”ayuu yidhi Madaxweynaha oo la hadlayey dadka ku dhaqan deegaanada Gobolka Togdheer.

 silanyo

Madaxweynaha mar uu la hadlayay bulshada ku dhaqan degsiimada Dheriyalay oo uu ku dhashay kana tirsan degmada Balli dhiig waxaanuu yidhi,“Dheriyalay waa meeshii aan ku dhashay, waqtiga sheegimaayo oo waqti fog ayay ahayd. Al-xamdulilaah haddii aan maanta halkan marayo, waxaan ku faraxsanahay sidii aad noo soo dhawayseen. Dadka waanu dhagaysanaynay baahiyaha deegaanka iyo meel kasta oo ka mid ah dalka waanu ku dedaalaynaa inaanu wax ka qabano.”

Sidoo kale, Madaxweynaha  mar uu ka hadlay degmada Balli-dhiig wuxuu yidhi,“Balli-dhiig waa halkii aan u dhashay, halkani waa magaaladaydii. Waxaan maanta soo eegay gurigii hooyaday, horaan u imi waa dhul aan aqaanay, waan ka raagay. Maantana farxada aan ku soo maray halkani waa mid aanan weligay iloobaynin. Dareenkiina si wacan ayaad u sheegateen, waana idinka balan qaadaynaa in aanu intii awoodayada ah wax ka qabano”.

Dhinaca kale, Marwada Madaxweynaha Aamina Waris oo iyaduna la hadashay reer Balidhiig waxay tidhi,  “Waxaan  jeclaystay inaan mahadnaq gaara balaadhan halkan uga soo jeediyo Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer oo si sharaf leh oo qiimo weyn noo soo dhaweeyay. Waxa waliba qaasatan haweenka sharafta leh ee quruxda badan ee reer Balli-dhiig ee noo dhisay guriga dhaqanka ee laba daryaalaha ah.”

ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here