Aniga waxba la iima soo qaadin, dhinacii kale ayaa wax la siiyay, waan qaatay, danta qaranka ayaanan u qaatay
Hargeysa (Hubaal) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqay Natiijada Go’aamo ay ku dhexdhexaadinayeen labadii garab ee isku hayay Xisbiga Kulmiye.
Hadaba Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo kala hogaaminayay labada dhinac ee uu khilaafka Kulmiye dhex yaalay ayaa la waydiiyay sida ay u arkaan xalka Khilaafka ay Golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkaasi kulmiye.
Ugu Horeyn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la waydiiyay sida uu arko go’aanka ay Golaha Guurtida Somaliland ku dhexdhexaadiyeen khilaafkii labada garab ee kulmiye ayaa sheegay in uu qaatay, waxaanu yidhi “Waan Qaatay Go’aankaasi ay golaha guurtidu soo saareen”
Mar la waydiiyay bal sida uu arko waxa u uyidhi “Sida ay tahay ayaanu u aragnaa, waxa ay tahayna waanu qaadanay, maadama aanu aqbalnay in ay Golaha Guurtidu dhexdhexaadin gasho,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka dib markii ay Golaha Guurtidu halkaasi ka akhriyeen Go’aanka ay ku dhexdhexaadiyeen labadii garab ee isku hayay Xisbiga Kulmiye la weydiiyay sida uu arko xalka ay keeneen Golahaasi ayaa yidhi “Waxa ay ila tahay hadii aad rag arrin u dhiibato, maaha sidii aad doonaysay in ay kuu xukumaan, in kasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen, hadana waan aqbalay” ayuu yidhi.
Muuse Biixi Oo La Waydiiyay bal in uu qaatay Go’aankaasi ayaa yidhi “Aniga waxba la iima soo qaadin, dhinacii kale ayaa wax la siiyay, waan qaatay, danta qaranka ayaanan u qaatay” ayuu yidhi.
Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi Xuseen oo sheegay in go’aamadani ay ahaayeen kuwo xal lagu raadinayo.
Waxa ay labada dhinacba uga mahad celiyeen sidii fiicnayd ee ay u aqbaleen go’aanada ay soo saareen.
Si kastaba ha ahaatee Khilaafka Xisbiga Kulmiye oo todobaadyadii ugu dambeeyay si weyn looga dareemay dalka iyo dibadaba ayaa la filayaa in uu halkaasi ku qaboobo.