Madaxweyne Siilaanyo Ma Jecla In Uu Shan Sano Oo Kale Tartamo Ee Dumar,Caruur,iyo Koox Wasiiro Ah Ayaa Qasbaya Odeyga Si Ay Hantida Ummada Ee Ay Boobayeen U Sii Boobaan.

0
25

Madaxweyne Siilaanyo Ma Jecla In Uu Shan Sano Oo Kale Tartamo Ee Dumar,Caruur,iyo Koox Wasiiro Ah Ayaa Qasbaya Odeyga Si Ay Hantida Ummada Ee Ay Boobayeen U Sii Boobaan.

Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo waa odey da’a ah oo cimrigiisu waynaadey wuxuuna cagacageynayaa 90 sano jir waa marka runta loo hadlo,waxaad ka garan kartaa muuqaalkiisa,hadalkiisa,iyo xiliyada uu waraaqaha akhriyayo oo aad garan kartid in odeygu u baahan yahay nasiimo iyo daryeel.

Madaxweyne Siilaanyo ma taliyo xukunkiina waxaa maroorsaday koox ku gedaaman ama ku xeeran oo u badan Dumar ,caruur,iyo koox wasiiro ah oo beeshiisa ah,dadkaasi ku xeerani waa kuwo aan u naxeyn odeyga oo doonaya in ay sii boobaan hantida ummada ee ay horeba u boobayeen,waa koox aan wax nasteexo ah u hayn odeyga doonaya uun in odeygu qalfoof ahaan kursiga ugu fadhiyo si ay danahooda ugu fushadaan khayraadka dalkana boobaan.

Siilaayo ma jecla in uu mar kale tartamo waayo ma awoodi karo cimrigiisana weynu u jeednaa oo wuxuu taagan yahay xiligii nasiimada,mida kale odeygu wuxuu qabaa xanuuno fara badan oo aan u saamaxayn in uu shan sano oo kale tartamo

Shacabka Somaliland waxaa ku waajiba in dadkaasi odeygu u afdooban yahay ka xoreeyaan waxaana hubaala i uu madaxweye siilaayo koox yari ku xidhatay madaxtooada( Waa in la xoreeyaa odeyga).

 

Yusuf Abdilahi Janale

yousuf janale <ajanaaaale3@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here