Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi Iscasilaada Samaale?

0
28

Hargeysa, (Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu shirkii Golaha wasiirada ee Khamiistii la soo dhaafay si wayn ugu canaantay Golihiisa, isla markaana uu ku magacaabay gudi uu u xilsaaray soo diyaarinta jawaabta ay xukuumaddu ku qancinayso qaandhan bixiyayaasha, mucaaridka iyo guud ahaan umadda, ee la xidhiidha dib u dhaca waqtiga doorashadda iyo mawqifka xukuumadda.

siilaanyoSiday tibaaxeen xogo Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo muhiim ahi, Madaxweyne Siilaanyo oo aanay ka madhnayn cadhada la xidhiidha masuuliyiinta iscasilay iyo xaalada abuuran tahay isku shaandhaynta ka dib, wuxuu soo qaaday iscasiladda Samaale, isla markaana waxay xoguhu tibaaxeen, inuu Madaxweynuhu uu aad uga cadhaysnaa talaabada uu qaaday, sidaa awgeedna uu ku tilmaamay inuu Samaale sameeyay khalad wayn, hantina la sheegayo, odhatna la galin doonno.Xogahaasi waxay intaa ku dareen, inuu sidoo kale Madaxweynuhu ku goodiyay, in ay u furan tahay ciddii kale ee iska tagaysaana.

Siday xogahaasi tibaaxeen, Madaxweynuhu wax kale oo uu ka hadlay arrinta doorashadda, isla markaana wuxuu xusay in loo baahan yahay jawaab macquul ah oo mawqif ahaan xukuumadu ku qanciso qaadhan bixiyayaasha, mucaaridka iyo umaddaba, balse aan loo baahnayn yooyootan iyo midi midi ku tag, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu magacaabay gudi soo diyaarisa jawaabtaa.

Dhinaca kale, xogahaasi waxay tibaaxeen inay suuragal tahay inuu Madaxweynuhu soo saaro qayb labaad oo isku shaandhaynta xukuumadiisa ah. Hase ahaatee ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan amuuraha iyo guud ahaan shirkii golaha wasiiradda oo ka soo baxay Madaxtooyadda

xigasho:ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here