Madaxweyne Siilaanyo Oo  Amray In Qorshe Siyaasadeedka Miisaaniyadda Qaranka Ee 201-ka Lagu Mideeyo Cashuur Isku Lammaanayd Oo Socotada Madaarka Kasoo Dega Laga Qaadi Jiray

0
29

HUBAAL KA AKHRI: Cashuurta Gelista Iyo Bixista Ee Dadweynaha Madaarada Wasaaradda Maaliyaddu Kaga Qaado Oo La Midaynayo Waxa La Qaadayaa Marka Qofku Soo Degeyo Oo Keliya 

Hargeya(Hubaal)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Amarku bixiyey in la mideeyo labada lacagayow ee laga qaadi jiray Dadka Dhoofaya iyo kuwa soo dagaya, taasi oo ay Dadwaynuhu ka Caban Jireen, waxaana loo samaynayaa in Tikidh istiikar ah lagu qaado lacagtaasi oo laga qaadi doono dadka sita Basaaboorada Ajaanibka ah marka ay soo dagayaan oo kale.

Waxaanu Madaxweynuhu Qorshahan ku cadeeyey Siyaasada Miisaaniyada 2015-ka taasi oo u dhigan sidan “Waa in Cashuurta Gelista iyo bixista ee Dadweynaha Madaarada Wasaaradda Maaliyaddu kaga qaado la mideeyo oo la qaado marka qofku soo degeyo oo keliya, isla markaa waa in wasaarada Maaliyaddu Cashuurtaas ku qaadaa Juwan ku-dhejis ah (Visa Sticker) oo ay soo daabacdo sida dalalka aynu jaarka nahay, Waana in Qorshahaas la hir geliyaa 01-01-2015”

Sidoo kale Madaxweye Siilaanyo waxa uu Amray Sanadka Cusub lacagaha ay Wasaarada Duulistu Qaado lagu daro Tikidhada Diyaaradaha isla markaana Shirkadaha diyaaraduhu Tobankii Cishoba mar u shubaan Wasaarada Maaliyada sida ku cad Siyaasada Miisaaniyadda oo u dhigan sidan “Waa in Takaaliifta Wasaarada Duulistu u qaado adeega Madaarrada ay Shirkaddaha Diyaaraduhu raaciyaan tigidhada sida Madaarada Caalamkuba ay isticmaalaan, isla markaana ay 10 kii cishaba mar ku wareejiyaan wasaarada Duulista”.

Halkan Ka Akhri Warkaas Oo Faahfaahsan

Axmed Maxamed Maxamuud Aadan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here