Madaxweyne Siilaanyo Oo Axsaabta & Labada Gole Kala Tashaday Xal U Hellida Caqabad La Nool Doorashooyinka JSL

0
44

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la xaliyo caqabad la deris ah doorashooyinka madaxtooyadda iyo Wakiiladda oo Uu Carrabka Ku Adkeeyey In Qabsoomidoodu Ka Go’an Tahay Isagathumbnail_DSC_0002-2

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  mar kale ummadda u iftiiyay sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka madaxtooyadda iyo Wakiiladdu ay dalka uga qabsoomaan si xor iyo xalaal ah mudadii loo cayimay oo ku beegan 27-ka Bisha March 2016-ka. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay shir uu shalay iskugu yeedhay shirgudoonka Golaha Wakiiladda iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, kaas oo lagu falan qeeyay hanaanka diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu uga dhici doonto dhawaan gobollada Sanaag iyo Sool. Isla markaana lagu darsayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka isa saarka ah ee Madaxtooyadda iyo wakiiladda oo loogu gogol xaadhi lahaa sidii aanay caqabado uga hor iman qabashadda doorashadda. Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu shalay kulankaas ka soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland  Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu sheegay in shirkan lagu soo qaaday sidii xal loogu raadin lahaa saami-qeybsiga kuraasida aqalka wakiiladda ee gobollada dalka, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa isagoo dhammaystiran sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) Isagoo ka duulaya in goor walba, tallo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa 28-06-2016, wuxuu iskugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxaanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo ku qabsoomay hoolka shirarka ee qasriga madaxtooyada, shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, ayaa iyaguna xaadir ku ahaa dhinacyada madaxweynuhu u yeedhay oo si miisaan leh uga soo qayb-galay shirkan. Madaxweynaha ayaa markiiba u qadimay ujeedada yeedhmada oo ahaa hadal kooban waxaanu yidhi “Ugu horreyn, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad-naqo sida aad u soo ajiibteen kulankii aan idiinku yeedhay.sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idinku soo marti-qaado kulankan muhiimada weyn leh ee dulucdiisu tahay in aynu ka wada-hadalno arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ka bilaabmi doonta Gobollada Sanaag iyo Sool. Mudanayaal, sida aad la socotaan waxa inoo qorshaysan inaynu qabano ama meel-marino 27-ka March, 2017-ka doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Sidaa darteed, si aynu u xaqiijino himiladaa qaran waxay inooga baahan tahay tallo adag, tabaabulshe iyo tawfiiq. Madaxweyne ahaan waxa iga go’an in aan suurta-geliyo doorashooyinkaa xiligii loogu tallo-galay, Eebbe idamkii. Hase-yeeshee, waxa innala deris ah xaqiiqdii caqabado ku gedaaman doorashada wakiillada, taas oo salka ku haysa qeybinta kuraasta aqalka cusub. Mudanayaal,Haddaba, waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho tallo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qeybinta kuraasta baarlamaanka. Ugu dambayn, waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qeybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka. Waxa kale oo aan idinka rajaynayaa in aynu si midaysan uga hawlgalno diiwaangelinta gobollada Sool Iyo Sanaag, oo qarankan ugu fadhida qiimo-weyn oo siyaasadeed.” Guddoomiyeyaasha seddexda xisbi qaran iyo xubnaha shir-guddoonka wakiilada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka uu u qabtay, waxanay aaraah tiro badnayd ka soo jeediyey ujeedada Madaxweynuhu ugu yeedhay oo faallooyin badan ay ka bixiyeen sida ugu habboon ee loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Sool iyo Sanaag, iyo qodobka falanqaynta adag ee ku saabsan saami qeybsiga golaha wakiilada, waxana hadalka masuuliyiintu ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay hab socodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobollada hadhsan. Qoddobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa laysla qaatay, in meelaha laga baadhayo dhaqaalahaasi ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana  lagala yeesho dhinacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale, laguna qaban doono dhawaan shir dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka. Dhinaca kale qoddobka intii fadhigu socday qaatay wakhtiga intiisi badnayd wuxu ahaa kan saami qeybsiga golaha wakiilada. Waxaana halkaa laga soo jeediyey warbixin ah in markii guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiiladu ay sahan ugu baxeen gobolada waa weyn ee dalka lana kulmeen waxgaradka iyo odayaasha gobolladaasi ay soo baxday in gobol waliba uu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu dadka badan, uguna dulman marka la eego tirada ugu jirta golaha wakiilada, taasi oo muujinaysa sida qoddobka saami qeybsiga golaha wakiiladu u adag yahay. Saddexda Xisbi qaran ayaa soo jeediyey inay fadhi dambe ka yeeshaan una tallo badsadaan, qoddobkaa saami qeybsiga iyaga iyo shir gudoonka wakiilada iyo guddida doorashooyinkuna ay kulmaan sida ugu dhakhsaha badan.Markii laga soo baxay shirka ayaa waxa warbaahinta la hadlay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here