Madaxweyne Siilaanyo Oo Caddeeyey Inuu Dalka Ka Jiro Sicir-barar Saameeyey Noloshii Bulshada+Magacyada Iyo Tirada Guddi Baadh-dha Sababaha Sicir-bararka Oo Uu Magacaabay

0
28

Hargaysa (Hubaal) – Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horraysay si cad u garwaaqsaday dhibaatada xagga nolosha ah eek a taagan Qiimaha Maciishadda  oo si xawli ah kor ugu sii kacaysa, waxana uu tilmaamay in Sicir-bararku meel halis ah haatan marayo.Madaxweynaha oo habeenkii xalay magacaabay Guddi uu sheegay inay Qiime-bararka ku dhacay Maciishadda kasoo talo bixiyaan, ayaa Guddidaas ku adkeeyey inay keenaan Talooyin wax-ku-ool ah oo arrintaas lagaga bixi karo. Guddidan oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici, ayaa ay u taallaa shaqo ballaadhan oo la xidhiidhi sidii ay u samayn lahaayeen baadhitaanno cilmiyeysan oo sababa in meesha laga saaro mushkilladda xagga nolosha ah ee shacabka kusii kordhaysa. War saxaafadda loogu talo galay oo xalay Madaxtooyada kasoo baxay, laguna magacaabay Guddidan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Deyr, ayaa u dhignaa Sidatan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.Madaxweynaha-Somaliland-Siilaanyoh

Xubnaha Gudida

  1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe
  6. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

UJEEDDO: Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwo; Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.

ALLAA MAHAD LEH 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here