Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawladda Imaaraadku Hadhimo Ugu Samaysay Madaxtooyada Abu-dubai

0
68

Abu-dubai (Hubaal)-  Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda ee dawladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, ayaa shalay qasriga madaxtooyadda ee  Magaaladda Abu-dhabi qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayo oo maalmo ku sii hakaday wadanka UAE, iyagoo maalmaha soo socdana u kicitimi doona Ireland. Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, waxa uu madaxweynaha ugu soo dhaweeyay qasrigiisa si niyadsami leh oo uu siiyay baratakoolka wanaagsan oo la mid ah kuwa ay  ku muuneeyaan Madaxda dalkooda booqashadda ku tagta. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Iyo Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabtu waxay kulan ay yeesheen kaga wada hadleen sidii labada dawladood ay u sii adkayn lahaayeen iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan iyo dawladiisa uga mahad-celiyay mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ka go’an tahay inay dhidibadda u sii adkeeyaan cilaaqaadka labada dal. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay u socdaan Ireland, hase yeeshee maadaama ay sii mareen Imaaraadka Carabta ay uga mahad-celinayaan sida dawladda Imaaraadku mar walba u soo dhawayso.  Madaxweynaha-iyo-imaaraadkaRaysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka madaxtooyadda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay inay u han-weyn yihiin xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland isla markaana uu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay maalmo ku sii nastaan dalkiisa. Kulankaas waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyadda ,  Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta  iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali. Gebogabadii qado sharaftan waxaa markii weftigu ay dhamaysteen kulankooda ay dib ugu laabteen dhinaca magaalada Dubai oo ay degen yihiin, iyagoo saraakiil ka socota dawladdaasina ay sii gelbiyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here