Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhagax-dhigay biyo-xidheenkii ugu horreeyey ee lagu hirgeliyo mucaawano dibadeed ama dakhli dawladeed, kaas oo laga samaynayo deegaanka Xumbo-wayne ee degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi-jeex.
Biyo-xidheenkan oo ka mid ah mashaariicda dawladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday Somaliland, kaas oo qorshuhu yahay in lagu qabto biyaha roobka ee dooxyadu ku daraan badda, laguna wado inuu kaydiyo biyo badan oo lagu qiyaasay in ka badan 300 milyan Metric Cubic.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wefti wehelinayey oo ay ku jireen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, wasiirro badan oo xukuumadda ka tirsan, Marwada kowaad iyo madax kala duwan, ayaa socdaal la xidhiidha dhagax-dhigga biyo-xidheenkan u tagay deegaanka Xumbo-wayne shalay, halkaas oo bulshada degani si wayn ugu soo dhawaysay.
Xaflad kooban oo lagu qabtay goobta la asteeyey in laga sameeyo biyo-xidheenka oo ah meel ay ku kulmaan dhawr doox oo waawayni, waxa ugu horreyn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo faahfaahin ka bixiyey mashruucan oo uu sheegay inuu waxtar badan u yeelan doono deegaankaasi iyo caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi, “Mashruucani waxa uu wax wayn ka tari doonaa xagga biyaha ee dadka deegaankan, gaar ahaan beeralayda, waxa uu wax ka tari doonaa biyaha Hargeysa oo uu taageerayo ceelasha biyaha laga qoday halkan Xumbo-wayne ee la rabo in la gaadhsiiyo Hargeysa.”
Odayaasha iyo Maamulka deegaanka, ayaa iyaguna farxad ku qaabilay dhismaha dhaamkan oo ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha iyo dawladda Imaaraadka Carabta.
“Madaxweyne, aad baanu ugu mahadnaqaynaa idinka dawlad ahaan iyo dawladda Imaaraadka Carabta, idinka oo soo dhammeeyey mashruucan muhiimka ah oo Imaaraadkuna idinka aqbaleen, kuna soo dhawaada deegaankan Xumbo-wayne.” Sidaa waxa yidhi Xaaji Muuse Dalab oo ka mid ah odayaasha bulshada deegaanka.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha mashaariicda fara badan ee uu ka hirgeliyey dalka muddada uu xilka hayey, isagoo biyo-xidheenkana ku tilmaamay mid ka mid ah baahiyaha waddanku qabo oo faa’iido wayn u yeelan doona dadka, xoolaha, beeraha iyo deegaankaba, “Madaxweyne, waxa kaloo maanta taariikhdu qortay in dhaamkii ugu waynaa Somaliland inaad halkan (Xumbo-wayne) ka dhagax-dhigto, xisbi ahaan iyo qaran ahaanba waa taariikh in biyo-xidheenkii u horreeyey aad dhagax-dhigto oo Ilaahay innagu simay, aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay, taariikhduna way qoraysaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey halkaas kaga hadlay muhiimadda mashruucan, waxaannu yidhi, “Farxad wayn bay ii tahay in aynu isugu nidaamno mashruucan qiimaha iyo qaayaha leh ee dalka iyo gobolkanba ahmiyadda wayn ugu fadhiya, waxaannan Ilaahay ka rajaynayaa in aynu ku guulaysanno oo uu noqdo mid khayr qaba oo dadka iyo dalkaba anfaca, iydoo biyo-xidheenka labaad oo laga qodi doono Laascaanood isna waynu fulin doonaa Isha Allaahu.”
Waxa kaloo Madaxweynuhu u mahadnaqay dadka deegaankaasi soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo dawladda Imaaraadka Carabta ee mashruucan iyo kuwo kaleba ugu deeqday Somaliland.
Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha iyo weftiga wehelinayey casuumad qado sharaf ah loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha bustaanka ah ee Xumbo-weyne