Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka

0
31

Hargeysa (Hubaal) madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu xeer madaxweyne ku dhaqangeliyey xeerka komiishanka qaranka ee la dagaalanka AIDS-ka oo golaha wakiilada Somaliland hore u ansaxiyay,sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay aqalka madaxtooyada oo uu ku sexeexnaa af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul waxaanu u dhignaa sidan:

Madaxweyne_Siilaanyo2013

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee

                                    ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida

                                    (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

 

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida          (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here