Waxaa Uu Ka Hadlay Werwer Laga Muujiyey Xaalladiisa Caafimaad Iyo Xilliga Uu Dalka Ku Soo Laabanayo
“Cidda Leh Madaxweynahaa Xanuunsanaya Waxaan Leeyahay Illaahay Baa Caafimaadka Haya, [Warkaasna] Wax Ka Jira Ma Jiraan, Waanan Caafimaad Qabaa”
Dubai (Hubaal) War qoraal iyo muuqaal isugujira oo afhayeenka madaxtooyadu Xuseen Aadan Cige u soo gudbiyey warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay kulan uu Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Silaanyo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan hay’ad qaabilsan maalgashiga iyo horumarinta oolaga leeyahay dalka imaaraadka. Warbixinta uu Afhayeenku soo saaray oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa kle oo lagaga hadlay jawaab uu madaxweyne Siilaanyo ka bixiyey warar maalmihii u dembeeyey laysla dhex marayay barkullanada bulshada oo ka deyrinaya xaalladiisa caafimaad, isaga oo Md. Siilaanyo arrintaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo baarlahayn. Warsaxaafadeedka uuAfhayeen Deyr soo saarayoo dhamaystirani waxaa uu u dhignaa sidan: “ Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Silaanyo ayaa halka uu ka degan yahay Abu Dhabi waxa uu ku soo booqday Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi (director general of Adhabi Fund for development) Md.Maxamed Saif Al Suwaidi. Waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo derder galinta Mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku ka hirgalinayso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay labada dhinacba si wada jir ah usoo dhaweyeen heshiisyada labada dal dhexmaray ee iskaashiga iyo horumarka dhinacyada badan leh. Kullankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Maxamuud iyo safiirka Somaliland u fadhiya UAE. Dhanka kalena Madaxweynaha JSL oo warbahinta qaranka u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Illaahay Mahadi haka gaadhee xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay waxaanu sheegay inay dalka si dhakhso ah dib ugu soo noqon doonaan haddii Alle idmo. Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi; “All-xamdullilah, waxaannu joognaa dalka Imaaraadka, aad iyo aad baanan u wanaagsanahay, dalkana si dhakhso ah ayaan ugu soo laabanayaa.” Sidaasi ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca kalena ka hadlay xaalada caafimaadkiisa oo muddooyinkii u dambeeyay bulshadu u dhegtaagaysay, “cidda leh madaxweynahaa xanuunsanaya, waxaan leeyahay wax ka jira ma jiraan, Illaahay baa caafimaadka haya, waan caafimaad qabaa, waan wanaagsanahay, bash bash iyo barwaaqo ayaan dalka iyo dadkaba u rajaynayaa meel ay joogaanba.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).