Madaxweyne Siilaanyo Oo Goob-joog Ka Noqday Qalliin Noociisu Ku Cusub Yahay Geeska Afrika Oo Shalay Lagu Sameeyey Wiil Yar Oo Wadnuhu Daloollo

0
41

Faahfaahinta Dhakhtarka Qalliinka Fulinaya Iyo Iyo Dareenka Waalidka Dhalay Ilmaha Yar Oo Madaxweynuhu Ku Booqday Cusbitaalka Ee Dr. M.A.Sheekh

madaxweyne-siilaanyo-oo-booqday-wiil-yar-oo-qaliin-lagu-sameeyay

Hargeysa(Hubaal )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maalintii shalay cusbitaalka carruurta u gaarka ah ee Dr Maxamed Aadan Sheekh ee magaallada Hargeysa [Ex-Cusbitaalka Jajabka] ku booqday wiil yar oo shan jir ah oo qalliin culus lagaga samayn doono dhinaca wadnaha kaasi oo soo dhashay isaga oo wadnuhu daloolo.

Booqashada Madaxweynuhu ku tegay cusbitaalka Dr Maxamed Aadan sheekh oo dheega ku haya dhismaha cusbitaalka guud ee magaallada hargeysa ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland ama Geeska Afrikaba lagu sameeyo qaliin noociisa ah, balse loo qaadi jiray dalka Talyaaniga oo muddooyinkii u dambeeyey uu cusbitalka Dr Maxamed xidhiidh dhinaca qaliinnaha ah ka samaynayey, iyadoo sideed caruur ah oo noocan oo kale ah ama uu wadnuhuba daloolo lagu soo qalay dalka dibediisa, nasiib wanaagse maanta qaliinadii dibeda laga maarmay oo dalka gudihiisa lagu samaynayo, ka dib dedaal laga sameeyey in dalka la keeno qalab ka qaliinada ee dibeda aynu uga baahan jirnay. Agabkan qaliinka ayaa dalka soo gaadhay ka dib markii qaadhaan ururin loo sameeyey Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh, qaadhaankaas oo ay hormuud ka ahayd marwada madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed jirde iyo Madaxweynaha oo iyaguna qaban qaabada iyo hirgelinta lahaa dhinaca dhaqaalahana qayb ka ahaa. Dalku in uu yeesho qalab u gaara oo lagaga maarmo dibeda iyo dalalka shiyeeye oo aanay shacbigeeni inta badan awoodin, sidaa awgeedna loo tudho loona fudaydiyo si aynu u caawino caruurta yar yar ee daryeel la’aanta u geeriyoota ee wadnuhu daloolo, waxaanu noqday kulankaa dhaqaalaha loogu ururiyey cusbitalka laguna keenay mishiinadii qaliinka loo isticmaalayey mid najaxay oo intii ka qayb qaadatay bixinta qaadhaankaasina ay ku amaanan yihiin ajar iyo xasanaadna ay u tahay qof walba oo qayb ka ahaa. Madaxweynuhu waxa uu isdul taagay una duceeyey wiilka u diyaarka ahaa in uu maro qalinkaas oo isagu markaa uun gelayey laguna fulinaayey qaliinka, waxaana dul fadhiyey wiilka aabihii oo isna dareenkiisa cabiray sheegayna in uu Alle talo saaranayo kana baryayo inuu ku guuleeyo wiilkiisa qaliinkaa uu maanta marayo. Waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in maalmahan ilaa afar qof oo kale ay maridoonaan qaliino la mida kan ay hada gacanta ku hayaan. Somalilandna ay noqotay dalkii u horeeyey geeska afrika ee yeesha dhakhtar fuliya qaliinada wadnaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here