Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Culimo Ah Magacaabay

0
46

madaxweyne-siilaanyo-oo-shacabkaHargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood oo ah guddiga culimada oo uu dhigayo distoorka Somaliland muddo dheerna la sugaayay magacaabistaasi.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku jira liiska wardasaaxafeedka madaxtooyada xubnaha la magacaabay lagu faafiyey oo isagu la soo xidhiidhay BBC ayaa cadeeyay inuu ka cudurdaaranaayo xilkaasi taasoo uu sheegay in markii hore ee loo sheegay ba uu ka cudurdaartay ka mid noqoshada gudigan .

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay gudigan in ay “xoojiyaan midnimada iyo wadashaqaynta culimada dhexdeeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa ayuu yidhi in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka balwadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaama”.

Gudigan oo loo gudbin doono golaha guurtida si ay u ansixiyaan waxay magacyadoodu kala yihiin :

  1. Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar.
  2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
  3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
  4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
  5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
  6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
  7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
  8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
  9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
  10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
  11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
  12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here