Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Ka Kooban 11 Xubnood U Magacaabay Jaamacadda Hargeysa, Sidoo Kalena Dhaqangaliyay Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Lagu Sameeyay Xeerka Jaamacadda

0
23

Hargeysa (Hubaal) waxa Sidan Lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay aqalka madaxtooyadda Somaliland, waxa aanu u dhignaa sidan:

Madaxweyne_Siilaanyo2013Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay:                  In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

 Markuu Arkay:                         In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

Wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

  1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal       Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
  2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed                 Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
  3. Abdillaahi Ibraahin Habane                 Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
  4. Cali Cabdillaahi Daahir                          Madaxa ICT Commission-ka.
  5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud                Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid        Duqa Caasimadda Hargeysa.
  7. Maxamuud Yuusuf Muuse                     Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
  8. Maxamed Faarax Xirsi                            Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
  9. Cabdirashiid Maxamed Siciid                
  10. Cabdikariin Maxamed Iid                                                
  11. Suldaan Axmed Daahir Muuse                                

 Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

 ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here