Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Maalintii shalay buuxiyey Jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muddo dheer Bannaanayd, kadib markii si kedis ah loo caydhiyey Guddoomiyihii hore Yuusuf Ismaaciil Cali.
Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu Gudoomiyaha Maxakamada Sare Ee Somaliland Uu Magaacabay Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed oo ah Aqoon-yahan ku xeel dheer Cilmiga Sharciga.
Waxaana War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Uu U Dhiganaa Sidan:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015 uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare Somaliland
Madaxweynuhu:-
MarkuuArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Aqoonsaday: Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda