Hargeysa(Hubaal) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa saaka ka ambabaxaya dalka, isagoo Socdaal ku tagaya Djabuuti. Ilaa hadda war rasmi ahi kama soo bixin socdaalka Madaxweynaha hase ahaatee waxaa la filayaa inay halkaasi wada hadalo ku yeeshaan dhigiisa Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu saaka ka soo duulo Xamar.
Wada hadaladan oo aanay Xukumaddu wali ka hadal sababta loogu wareejiyay Jabuuti ayaa wararka laga helayaa sheegayaan inay qayb ka yihiin wada hadalada Somaliland iyo Somalia uga socday Turkiga oo aan ilaa hadda waxba ka hir galin qodobadii hore looga soo saaray.
Todobaadkii hore ayaa Madaxweyne Siilaanyo si kedis ah u baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa Jabuuti balse Saaka ayaa safarkiisa laga dareemayaa Magaalada Hargeysa.
Xukumadda Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid ka cago jiidaysa wada hadalka labada dhinac maadaama ay jabisay qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ugu muhiimsanayd inay labada dhinac wada jir u maamulaan hawadda.
Ramaas