Akhri: Wasiir cusub oo madaxweyne Siilaanyo ku soo kordhiyey Golihiisa xukuumadda iyo wasiir loo bedelay wasaarad kale
“In Muwaadinka Loo Magaacaabo Xil Qaran Waa Sharaf Iyo Maamuus, [Hase Yeeshee] Mudane Waan Kaa Aqbalay Istiqlaaladda Aad Ii Soo Gudbisay Waxaanan Kuu Rajaynayaa Niyad-sami Iyo Mustaqbal Wacan” – Warsaxaafadeed 6-dii Bishii 12aad Ee Sanadkii 2016 Uu Madaxweynuhu Soo Saaray
Hargeysa (Hubaal)- Warsaxaafadeed xalay cawayskii ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada JSL ayaa lagu shaaciyey digreeto uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay wasiiru-dawle cusub oo kusoo biiray golihiisa wasiirrada. Digreetadan ayaa sidoo kale wasiiru dawlihii biyaha isaga oo u bedelay wasaaradda kalluumaysiga. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xarunta wargeyska HUBAAL waxaa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017 uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.
MADAXWEYNUHU: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha).
- In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland”. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan oo xalay wargeyska HUBAAL soo gaadhsiiyey afhayeenka madaxtooyadu Xuseen Aadan Cige (Deyr).
Wasiiru-dawlahan cusub ee loo magacaabay wasaaradda biyaha Md.Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Dhego-weyne) ayaa hore iskaga casilay xil wasiirnimo oo uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay kaasi oo uu ka cudur-daartay qabashadiisa. Xilkan oo wasiiru-dawlaha cusubi sheegay inaan lagala tashan magacaabistiisa ayaa ahaa wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL, kaasi oo Madaxweynuhu ku soo saaray digreeto summadeedu ahayd JSL/M/XERM/249-4377/122016 oo soo baxday 3-dii bishii 12aad ee sannadkii ina dhaafay ee 2016-kii. Waxaanna Masuulkan oo xilligaas ku sugnaa dalka dibadiisu uu warbaahinta u sheegay inaan lagala tashan qabashada xilkan sidaasi darteedna uu ka cudur-daaranayo qabashadiisa. Saddex maalmood ka dibmarkii uu Md. Cabdiqaadir Dhego-weyne ka cudur-daartay xilkan ayaa War-saxaafadeed jawaab celin ah oo kasoo baxay madaxtooyada waxaa lagu shaaciyey in madaxweynuhu ka aqbalay istiqaalladiisa, oo la sheegay in la soo buuxin doono jagadaasi,hase yeeshee illaa xilligan way bannaan tahay jagadii wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysigu.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudane,
In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan”. Ayaa laguyidhi warsaxaafadeed 6-dii bishii 12aad ee sanadkii 2016 uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadu, kaasi oo lagu shaaciyey aqbalaadda istiqaalad uu wasiir ku xigeenka xilligaasi kaga cudurdaartay in uu qabto wasaaradda Kalluumaysiga.