Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shakhsiyaddii Sarkaal Kasoo shaqeeyey Xukuumadihii Kala Dembeeyey Ee Somaliland Oo Xalay Geeriyooday

0
175

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shakhsiyaddii Sarkaal Door Shariifa Ku Lahaa Xukuumadihii Kala Dembeeyey Ee Somaliland Oo Xalay Geeriyooday

Akhri Dhambaal Tacsi  U Diraya Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka,  Waxgaradka Iyo asxaabtii Marxuum Xuseen Cali Xirsi

TACSI MADAXWEYNE -22/01/2017, IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cali Xirsi oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu Ahayd 22/01/2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee Somaliland loo soo maray, xukuumadihii isaga danbeeyey hoggaaminta qarankana si hagar la’aan ah ayuu ula soo shaqeeyey isagoo mar ahaa Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Somaliland (Chief of Protocol), Marxuumku waxa uu ahaa ehelu cubaado, ay ka nabadgaleen binu-aadamku, una gargaari jiray dadka inta jilicsan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasi, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

madaxweyne-axmed-siilaanyo-aftahannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here