Hargaysa: (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Maanta Ka Qaygalay Munaasibad Ballaadhan oo Mihradlayaasha Caafimaadka Shatiga ama Ogolaanshaha Dhakhtarnimada ku Guddoonsiinayeen 642-Dhakhtar oo kusoo biiray Saaxadda Dhakhaatiirka Dalka.
Munaasibadda Oo Lagu Qabtay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo abaabulay Ururka Xirfadlayaasha Caafimaadka, waxana kasoo qaybgalkiisa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirro, Xildhibaanno, Madaxda Asxaabta qaranka, Khubarada Caafimaadka Dalka iyo Hay’adaha kale ee xidhiidhka la leh Wasaaradda Caafimaadka Dalka.
Xafladan Oo Ka Dhacdey Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,Wasiiro, Xildhibaan Taliyayaasha Ciidamada Booliska Iyo Madaxtooyada Iyo Haayada Calaamiga Ah Ee Dhinca Caafimadka Ka Caawiya Somaliland .
Gudoomiyaha Guud Ee Ururkaas Mihnadlaaysha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Odey Oo Mahdasha Ka Yidhi Hadalo Mahad Naq U Badan Ayaa Waxaa Uu Cadeeyey In Maanta Ay Noqon Doonto Maalin Gasha taariikhda dalka, Isla Markaana aan la ilaabi doonin.
Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay Gudoomiyaha Ururka Mihnadlaasha Caafimaadka Somaliland In Aaney Dalka Ka Hawl Gali Doonin Dr Ama Qof Ku Shaqeeyaha Mihnada Caafimadka Oo Aan Sidan Liisanka Ay Bixiyaan Ururka Mihnaadlaasha Caafimadka Somaliland.“ Muddo Badan Ayey Soo Socotay Maalinba Meel Ayey Soo Mareysay Kominshankani Markii Hore Waxuu Ahaa Bilaa Gudoomiye Maanta Waxaa Farxad Leh In Maanta Ururku Noqday Urur Dhameys Tiran Oo Hawlahii Looga Bahaana Qabtay .Waxaana Ka Mid Ah Awoodaha Ama Sharcigu Uu Siinayaa In Ay Xidhi Karaan Ama Ay Jaasid Ay Siinayaan Cidii Ku Shaqeysa Mihnada Caafimaad Sidoo Kale Waxaa Uu Sharcigu Siinayaa In Cid Aaney Siin Aqoonsiga Dhakhtar Nimo Aaney Dalka Ka Hawl Gali Karin “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Mihnad Layaasha Caafimadka Somaliland Ahmed Haashi Odey.
Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Saleebeen Ciise Ahmed Xaglo Toosiye Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Arintan Maanta Ay Mihnad laasha Caafimaadku Sameynayaan Ay Tahay Mid Lagu Af Jaraayo Dadkii Aan Sida Wacan U Aqoon Aqoonta Caafimaadka Ee Sheegan Jiray In Ay Wax Yaqaanan Isla Markaana Aaney Dalka Ka Hawl Gali Doonin Cid Aan Sidan Liisanka Ay Bixinayaan Ururka Mihidnad Layaasha Caafimadka Somaliland Waxnaa Uu Yidhi Wasiirku, “Weynu Ognahay Meel Kasta Oo Aad Ka Soo Wareegto Waxaa Ka Furan Meel Uu Cilaash Ku Qoran Yahay Ama lagu Iibinaayo Dawooyin Caafimaad Halkaasi Oo Aaney Joogin Dhakhaatiir Aqoon U Leh Muddo Dheer Ayaa Lagu Xad Gudbaayey Caafimaadka Waxanan Filayaa In Ay Soo Dhamaatay Taasi Wasaarad Ahaan Iyo Kominshan Ahaana Waxaanu U Taaganahay In Aanu Arintaas Dhameyno, Arintan Maanta Bilaabmanteyna Waxaa Weye Mid Lagu Soo afjaraayo Hawlhaas Ku Xad-Gudubka Ku Ah Caafimaadka Dhakhtar Aan Takhasus Aheyn Oo Aaney Soo Ogalaan Kominshanka Mihinad Layaasha Caafimaadku Wasaarada Caafimadku Liisan Siin Mayso Isla Markaana Dalka Kama Shaqeen Doono ” Ayuu Yidhi.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ugu dambayntii Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in caafimaadku muhiim yahay,
“Faraxad Weyn Ayey Ii Tahay In Aan Maanta Ka Soo Qeyb Galo Xafladan Qiimaha Iyo Qaayaha Badan Caafimaadku Waa Shey Mihiim U Aha Mushtamaceena Iyo Umadeenaba Ilaalintiisa Iyo Wax Ka Qabadkiisuna Waa Wax ugu Weyn Ee Umada Iyo Dalka Loo Qaban Karo Hadii Anaguna Aannu Nahay Xukuumada Talada Haysa Waxii Aanu Awoodno Waanu Ka Qabneynaa Waxii Waajib La Noogu Leeyahayna Waanu Sameyneynaa “ Ayuu Yidhi Madaxweynha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilanyo
Ugu Danbayna Waxa Uu Madaxweynuhu Shahaadooyin Gudoonsiiyey 642 Xubnood Oo Isugu Jira Dhakhaatiir Iyo Kal-Kaaliyeyaasha Caafimaadka, Oo Loo Aqoonsaday Inay Buuxiyeen Shuruudihii Xirfadooda Shaqo