Madaxweynuhu Muxuu Ka Yidhi Tartanka Doorashooyinka Dalka Ku soo Fool Leh iyo Mawqifkiisa Ku Wajahan in Uu Sharraxan Yahay in Kale?
“Waxa Innagu Waajib ah Inaan Tartanka Doorashadu Dhexdeena Ka Abuurin Tafaraaruq”
Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Khudbad kooban oo dhinacyo kala duwan taabanaysa u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Uk, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada London ee Caasimadda Dalkaas. Ugu Horrayn waxa uu madaxweyne Siilaanyo jaaliyadda u fasiray safari saga iyo wafti uu hoggaaminayaa ku tageen Dalka Ireland iyo waxyaabo rajo fiican leh oo ay halkaas kala kulmeen,, “dalkii waan ka imi isagoo nabad ah , safarkaygiina waxa uu khuseeyey marti qaad aanu ka helnay Dalka Ireland, kaas oo aniga iyo waftigii ila socday aanu toddobaadkii hore kula kulantay madaxweynaha Ireland iyo dalal badan oo kamid ah kuwa Deeqda Bixiya iyo baarlamaanka dalkaas, gaar ahaan guddida Arrimaha Dibadda. Sidoo kale waxanu booqanay meelo badan oo taariikhi ah oo ay kamid yihiin Xarunta nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka, waxana aanu kala hadalnay ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, horumarka iyo xidhiidhka labada dal, waxana aan rajaynaa inuu noqdo saaxiib inoo soo kordhay oo kamid ah Dalalka midowga Yurub.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray Dhallinyaro dhawaan ku geeriyootay shaqaaqo ka dhacday magaalada Borama iyo qaar kale oo Arday ahaa, kuwaas oo Badda Berbera ay liqday, waxana uu yidhi,“Sidoo kale waxa wasiirradii ila socday la kulmeen qaybo kamid ah Dawladda Uke e magaalooyinka London iyo Cardif, waxana aan tacsi diray Ehelladii ay ka baxeen Dadkii ku geeriyooday shaqaaqooyinkii ka dhacay Borama iyo Ardaydii ku naf weyday Badda Berbera.” Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka Hadlay Doorashooyinka inay dalka ka dhacaan u qorshaysan Sanadda 2017-ka, waxana uu sheegay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sidii doorashooyinkaasi wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, “maadaama ay doorashooyin inagu soo fool leeyihiin oo ay inuu qorshaysan yihiin inay dhacdo Bisha March, 2017-ka waxanu ku dedaali doonaa sidii ay doorashooyinku dalka oo dhan uga qabsoomi lahaayeen, degmooyinka aanay ka dhici jirina waxa aanu ugu baaqayna inay si buuxda uga qayb galaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Mudane Siilaanyo, waxa uu shacabka uga digay in tartanka doorashooyinka ee abaabulkiisa la dareemayaa inaanu dhexdooda ku keenin xanaf iyo is xag-gasho, waxana uu yidhi,“Waxa inagu waajib ah inaynu midnimadeena iyo wada-jirkeena ilaashano oo aynu ku dedaalno xoojinta Nabadgelyada iskana ilaalino inaan tartanka doorashadu dhexdeena ka abuurin tafaraaruq,” Ugu dambayntii madaxweyne Siilaanyo, waxa uu bulshada kula dardaarmay inay qaran-nimadooda meel uga soo wada jeestaan, “Bulshada Somaliland Gudo iyo dibadba waxan kula dardaarmayaa inaynu dhinac ugasoo wada jeedsano sidaynu udifaaci lahayn madax bannaanideena, shacabkana waxan ku ammaanayaa sida ay uga midyasan yihiin qaddiyada Somaliland.” Ayuu yidhi Mudane Siilaanyo. Madaxweynuhu ma uu soo hadal qaadin khilaafka ka dhex oogan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, mana uu caddayn inuu sharaxan yahay iyo in kale. Khudbada Madaxweynaha waxa si toos ah looga daawanayay Telefishanka qaranka, iyadoo ay muuq-baahiyaha ka daalacanayeen kumanaan qof oo danaynayay khudbadda madaxweynaha xilligan. Waxa kala qeyb galay Madaxweynaha xafladaasi Wasiirrada Warfaafinta, Madaxtooyadda, Caafimaadka, Maayar Ku-xigeenka Hargeysa, Xoghayaha Gaarka ah ee madaxweynaha iyo Marwadda koowaad ee Somaliland iyo Boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyadda reer London.