Madaxweyne Siilaanyo Oo Komishanka U Diray Qoraal Soo Afjaraya Muran Ka Dhashay Digreeto Uu Soo Saaray

0
98

Waxaa Uu Ka Hadlay Cidda Uu Xakamaynayo Sharciga shaqaallaha Dawladdu Iyo Cidda Uu U Madax Banaynayo Ka Qaybgalka Olollaha  

 

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay Komishanka Doorashooyinka Qaranka u diray Qoraal Jawaab celin ah oo uu kaga hadlayey xubin ka tirsan Komishanka la dagaalanka HIV/AID’s, oo ay guddida Anshaxa Axsaabtu ku Eedaysay isagoo shaqaale Dawladeed ah in uu ka qayb qaatay Ololaha Xisbiga Kulmiye. Madaxweyne Siilaanyo oo Qoraal uu komishanku hore ugu soo gudbiyey Xukuumadda iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Tafsiir ka bixinaya ayaa ku sheegay qoraalkiisa in Agaasimaha Fulinta iyo Agaasimayaasha kale ee Komishanka Qaran ee Xakamaynta AIDS-ku ayna ka mid ahayn shaqaalaha joogtada ah ee lagu maamulayo sharciga shaqaalaha dawladda. Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay shaqaalaha lagu dabiqi karo xeerka Anshaxa ee lagu xakamaynayo shaqaalaha Dawladdu inaanay ka qayb qaadan ololaha Axsaabta siyaasaddu inay yihiin shaqaalaha joogtada ah ee Dawladda. Qoraalka Jawaab celinta ah ee uu u qoray Komishanka ayaa dabasocday qoraal hore ay Komishanku ku dalbadeen in la Anshax Mariyo C/kariin Xinif oo ah Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Komishanka AIDS-ka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here