Madaxweynuhu Waxa uu Kulan Lagu Xusayo Munaasibasdda 18-ka May la yeeshay Qurbajooga Imaaraadka Carabta
Dubai (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo muddo todobaad ah booqasho shaqo ku joogeen dalka Imaaraadka carabta, ayaa shalay kulan la yeeshay qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka UAE oo la xusay xaflad lagu muunaynayay 25- guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May. Madaxweynaha Somaliland waxa kala qeyb galay xafladaasi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka,Maaliyadda, Madaxtooyadda, Xanaanada Xoolaha, Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta iyo marwadda koowaad ee Somaliland marwo Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde. Madaxweynne Axmed Siilaanyo waxa uu uga waramay jaaliyadda xaaladda xiligan ee Somaliland iyo ujeedada socdaalkooda Imaaraadka oo uu ku tilmaamay inay ka gaadheen guulo la xidhiidha sidii loo maalgashan lahaa. Jamhuuriyadda Somaliland.Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa khayraadka dalka, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay taageeraan qorsheyaasha maalgashiga dalka. Madaxweyaha Somaliland waxa uu xusay inuu aaminsan yahay in heshiiskii ay la gaadheen shirkadda DP World ay waxtar weyn u leedahay dalka, waxaanu intaasi ku daray inay beesha caalamka ka sugayaan aqoonsi buuxa maadaama oo ay Somaliland 25-kii sannadood ee la soo dhaafay ay dhisatay dawlad taabogal ah oo shaqeynaysa. Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Danjiraha Somaliland ee Imaaraadka carabta Baashe Cawil Xaaji Cuma, iyo Wasiirrada caafimaadka iyo madaxtooyadda Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Maxamuud Xaashi Cabdi. Somaliland iyo shirkadda dawladda imaaraadku leedahay ee DP world ayaa qalinka ku duugay heshiis lagu casriyaynayo marsadda Berbera oo ay ku baxayso $442 Milyan oo lagu balaadhinayo baaxadda dekadda. Waxa kale oo heshiiskan ku jira in huteel casri ah oo nooca la yidhaahdo 5 star ka dhisi doontaa magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Sidoo kale waxa heshiiskani jidaynayaa in hirgeliyo dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya.