Burco (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maalintii sideedaad mashaariic kala duwan ka fuliyey magaalo madaxda gobolka togdheer,
madaxweynaha iyo weftigiisa oo shalay galab soo gaadhay magaalada burco, ka dib kormeerkii shaqo, ee uu kaga soo noqday madaxweynuhu gobolka Sool, ayaa maantana mashaariic kala duwan oo kala ah, xafiiska wasaarada maaliyada ee gobolka togdheer oo la dhagax dhigay, isla markaana dhagax-dhigay maxadka tababarka shaqaalaha dawlada, iyo dhismaha jeelka weyn ee gobolka.
dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu ka qaybgalay xaflad balaadhan oo baabuurta dadka naafada ama aanu laxaadkoodu dhamaystirnayn loogu talo galay in la gudoonsiiyo, laguna dhiirigeliyo ka mooraal ahaan iyo gaadiidkaas oo dhamaa 130 gaadhi curyaan oo isugu jira mootooyin iyo baaskeelado, iyada oo qofkii nasiibku u saacidi waayo ama halkaa ku sugnaa een ku guulaysan mooto ama baaskeel in la siinaayey 100 Dollar oo abaal marin ah.
ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu u soo amba-baxay dhinaca gobolka saaxil isaga oo intaanu ka soo dhamaan gobolka togdheer soo maray degmada Qoyta oo dad aad u tiro badani isugu soo baxeen, kuna soo dhaweeyeen halkaasi iyada oo madaxweynaha la geeyey goob loogu talogalay madaxweynaha iyo weftigiisa, shacbiga deegaanka Qoytana ay ku soo bandhigeen wixii ka dhiman iyo wixii loo qabtay labada iyo wixii ay markaasi ka dalbadeen madaxweynaha iyo xukuumadiisa, isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee loogu soo dhaweeyey qoyta wixii ay dalbadeena insha allaa wixii alle qadaro ee suura gal ah uu la qaban doono ka xukuumad ahaan.