Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Degmooyin Cusub & Nuxurka laba Xeer Oo Shalay Ay Golaha Wasiirradu Meel-mariyeen

0
80

Magacyada Degmooyinka Uu Madaxweynuhu Magacaabay Oo Ka Kala Tirsan Gobollada Maroodijeex iyo AWDAL

image-59

Hargeysa(Hubaal)-Kulankii Golaha wasiiradu ku yeelan jireen qasriga madaxtooyada Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad, ayaa shalay oo Khamiis ahayd oo taariikhdu ahayd 20.07.2017, Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda. Shirkaa oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah

  1. Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.
  2. Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka. Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.

Geesta kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here