Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex

0
48

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here