Hargeysa(Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa galabta qaatay kaadhka dhalashada Somaliland ka dib markii si hor dhac ama tijaabo ah saaka looga bilaabay caasimadda Hargeysa diiwaan galinta Madaniga ah.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markiii la furay ka dib iska diwaangaliyay Guriga Shaqaalaha oo ka mid ah meelaha diwaangalintu ka socoto
“Waxaa inoo bilaabatay Diwaangalintii, aniguna waaniga halkan iska diwaangaliyay, waxaanan rajaynayaa in Bulshadu is-wada diwaangaliso” ayuu yidhi Madaxwyne Axmed Siilaanyo oo bulshada kula dar daarmay in ay qaataan kaadhka aqoonsiga Somaliland oo ah ka kala saaraya muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka aan waddanka u dhalan ee Soomaalida ah kuna sugan guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Xeerka diiwaan galinta madaniga ah iyo ka diiwaan galinta codbixiyeyaasha doorashada ayaa wali hor yaalla golaha wakiiladda Somaliland,iyadoo ay dhawaan soo afjareen isla markaana is af-garad ka gaadheen asxaabta mucaaridka ah iyo Xukuumadda Somaliland oo isku maan dhaafsanaa diiwaan galinta madaniga ah.