Waxaa Uu Kormeer Indho-indhayn ah ku Tagay Suuqa Dhexe Ee Caasimadda Hargaysa
Hargaysa(Hubaal)Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si keddis ah shalay galab ugu soo baxay suuqa dhexe ee Caasimadda Hargaysa, iyaddoo uu meherrado iyo meelo kala duwanna uu booqday. Inkastoo aannay jirin war rasmiya oo Madaxtooyaddu ka soo saartay kormeerka keddis ah ee Madaxweynuhu ugu baxay goobo ka mida suuqyadda Hargaysa, haddana, Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u tibaaxay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu kormeer ku tagay meelo ka mida Suuqa dhexe ee Caasimadda Hargaysa, waxaanna kormeerkan ku wehelinnaayay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaannu si kooban uu Madaxweynuhu ula sheekaystay dad shacab ah oo ku sugaa wadadaas Caanaha Ri’yaha, isagoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka warsadday bal sida ay tahay xaaladdoodu.
Dadkii shacabka ahaa iyo Meherraddii kala duwannaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu galabnimadii shalay booqashada ku tagay, waxay uga warameen duruufaha nololeed ee ku xeeran iyo xaaladda suuqa ee sicir-bararka maceeshadda, waxaannay Madaxweynaha uga mahad-celiyeen booqashadda uu ku yimid suuqa iyo goobaha kale ee ay bulshaddu ku kulanto. Booqashadan gaaban ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku soo baxay ayaa ujeeddadeedu ahayd inuu wax ka ogaaddo sicir-bararka maceeshadda oo maalmihii la soo dhaafay shacabku aad uga qaylinnayeen, waxaannu Madaxweynuhu shacabkii uu la kulmay galabta u balanqaaday inuu wax ka qaban doono.