Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Ehelada Xildhibaan Hargeysa Ku Geeriyooday

0
27

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa  maanta, 08/03/2015

tacsiMadaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here