Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyska Iyo La-Taliyihiisa Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas Oo Walaalkii Marxuum Axmed Xasan Ku Geeriyooday London

0
27

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas, oo ku geeriyooday 23/05/2016, London.

Gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo ay marxuumka Walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here