Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa maalintii shalay safar aan ujeeddadiisa la caddaynin ugu baxay Dalka imaaraaraadka carabta, waxana safarkiisa kasoo baxaya warar kala duwan. Madaxweynaha oo hadal kooban oo aan la ogalayn in su’aalo laga soo celiyo saxaafadda siiyey ka hor intii aanu dhoofin, ayaa sheegay inuu u baxayo sidii uu wado-hadallo ugala soo geli lahaa imaaraadka arrimo labada dalba dani ugu jirto, balse ma aanu saafin waxa ay arrimahaasi yihiin. Madaxweyne Siilaanyo oo faahfaahinaya ujeeddada safarkiisa, ayaa sidan hadalkiisa ku bilaabay, “Waxanu maanta dalka imaaraadka carabta ugu amba bixi doonaa safar, halkaas oo aanu ka wada Hadli doonno mashaariic labada dal ka dhexeeya oo ay labada dalba dani ugu jirto” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa si kooban u sheegay in arrimaha laga wada hadlayaa ay yihiin qaar muddooyinkan dambe soo socday oo dhiraandhirintoodu socotay, balse ma uu xusin waxa ay yihiin, waxana uu yidhi, “waxanu kasoo wada hadli doonaa mashaariic naga dhaxaysa oo horeba aanu u wada wadnay.” Khubadda madaxweynuhu ka yidhi safarkiisa ayaa iftiiminaysa inuu u baxay sidii uu horumar ugu samayn lahaa heshiisyo la doonayo in xukuumaddiisu ka gasho dekedda Berbera oo shirkado dalka imaaraadka laga leeyahay si weyn u danaynayaan. Shirkadaha danaynaya Maalgashiga dekedda Berbera, ayaa hore somalilannd u yimi, isla-markaana Dalka imaaraadka Gudihiisa wada-hadal kula yeeshay masuuliyiin somaliland ka socday, waxana haatan la filayaa in wada-hadalkaasi lasii amba qaado, iyadoo la filayo in dhawaan lasoo afjari doono. Madaxweynuhu ma carrabaabin inuu arrimaha dekedda Berbera halkaas u tegi doono, balse ma jirin wax muhiimad taas ka duwan oo ah qaranku muddooyinkan dambe ku lahaa Dalka Imaaraadka, waxana arrintu u muuqataa in wada-hadalka Maalgashiga dekedda lagu samayn doono haatan si toos ah loo gudo geli doono.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Madaxweyne Siilaanyo Oo U Baxay Safar Uu Ku Saxeexi Doono Maalgashi Caalami...