Madaxweyne Siilaanyo Oo U Duceeyey Cabdiraxmaan Cirro Oo Markii Uu Shirguddoonka Iska Casilay Madaxtooyada Galay

0
300

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay guddoomiyaha WADDANI ee iska casilay xilka guddoomiyaha Wakiilada

Madaxwaynuhu Waxa Uu U Duceeyey Murashax Cirro Iyo Murashaxiinta Kale Ee  La Tartamayaba Isagoo Ku Boorriyey Inay Danta Gaarka Ah Ka Horreysiiyaan Ta Guud

 

 

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu shalay Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani oo si rasmi ah iga casilay xilkaasi shalay. Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay guddoomiyaha WADDANI ee iska casilay xilka guddoomiyaha Wakiilada ayaa markuu soo dhamaaday kulanka labada dhinac waxaa saxaafaddala hadlay afhayeenka aqalka madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) iyo Cabdiraxmaan Cirro Laftiisa.   “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta [shalay] soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo   si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada, madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.  Dhinaca kale Murashax Cabdiraxmaan cirro ayaa isaguna dhinaciisa la hadlay warfidiyeennada  “Sidaa uu sheegay Afhayeenku waxaan baneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed maadaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday madaxweynaha qaranka oo aan ku war gelinaayay in aan baneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba waxaanu madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta lasiiyo danta qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan”ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here