Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u gudbiyey Golaha Guurtida qorshaha jadwalka Komishanka Doorashooyinku u dejiyeen qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay ugu cayimeen 1-da bisha June ee sannadka 2016.
Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal sharciyeynta qorshahaasi ah u gudbiyey Golaha Guurtida, waxa uu ka codsaday inay waajibkooda dastuuriga ah ka gaadhaan dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee hore ugu muddaysnaa 26-ka June 2015.
Qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey Guurtida shalay waxa uu dhignaa sidan;
“Ujeeddo: Gudbin soo jeedinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada 2015.
Mudanayaal,
Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinaynaa qoraalkan Gudidda Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/406/2015 ee ku taariikhaysan 22/04/2015, ujeeddadiisuna tahay doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay caddeeyeen in aanay ku qaban karin xilligeedii, sidaa daradeedna soo gudbiyeen waqtiga ay ku qabaan karaan doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada JSL.
Haddaba, waxaan mudanayaal idiin soo jeedinayaa in aad ka gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.