Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu Waheliyo ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller ayaa Saaka Booqday Xarunta Ciidanka RRU-da ee Magaalada Hargeysa oo Dawlada ingiriisku ay Maamusho.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Mr. Julian Miller ayaa u kurgalayey Xaalada Guud ee ay ku sugan yihiin Ciidanka RRU-da ooo Dawlada Ingiriisku Tababar iyo Qalab ahaanba ay hoostagan looguna tallo galay la Dagaalanka Argagixisada.
Waxa kale oo ay indho indheeyen Dhismaha Wey nee ciidankaasi dawlada ingiirsku u dhistay oo ah mid casri ah, dhanka kale waxay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller ayaa Saka Kulan dheer oo sacado qaatay ku yeeshen Qasriga madaxtooyada Somaliland, illaa lama oga waxyaabaha ay ka wadda hadleen. Balse Waftigan uu hogaaminayo Sarkaalkan sarre ayaa muujinaya sidda Dawlada Ingiriiska iyo Dawlada Somaliland xidhiidh fiicani uga dhexeyo.