“Dagaal Waxa Ku Dhinta ee Ha La Joojiyo Dhiiga Aan Innaga Go’in Ee Dhex-Deenna Ku Daadanaya”
“Inta aanay Colaaddaasi Sii Fidin Waa Inay [Waxgaradki] Ku Dedaalaan Sidii Loo Xakamayn Lahaa, Waxaanan Si Toos Ah Ula Hadlayaa Madax-dhaqameedka….”
Hargeysa (Hubaal) – War-saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa lagu faahfaahiyey Baaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kasoo saaray dirirta ka dhex socota beellaha walaallaha ah ee wada dega deegaammada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo dhimasho iyo dhaawacba dhaliyey. Warsaxaafadeedka afhayeenka MAdaxweynuhu kaga hadlay baaqa Madaxweyne Siilaanyo oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa uu u dhignaa sidan: “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu baaqaasi ku yidhi “Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada noolaanshaha iyo degenaanshuhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa aas-aaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabadaiyo xasiloonida. Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya. Dalkeena kama go’do maanta in dad inagaga dhinto dagaal aan loo baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu dhaqanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo talo walaalnimo oo la isu tanaasulo.
Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi, soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho. Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhiiga aan inaga go’in ee dhexdeena ku daadanaya.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.
Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin”.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.