Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Niskii Dembe Isku Shaandheeyey Agaasimeyaasha Guud Ee Xukuumadda Qaarkood

0
85

Akhri Magacyada Agaasimeyaasha Lay Weyraadiyey+Isku Shaan-dheyntani Waxaa Ay Saamaysay  Hoggaankii Hawlgelinta Ee Ciidanka Qaranka Mr. Daba-gale

 

 Capture.JPGk

 

Hargeysa (Hubaal) – WAR-SAXAAFADEED kooban oo xalay niskii dembe laga soo saaray qasriga madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey isku shaandhayn uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka isaga oo sidoo kale magacaabay lataliye. Warsaxaafadeedkanoo uu ku saxeexnaa Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxtooyadaoo nuqul kamid ahi xalay abaaro 12:20pm soo gaadhay wargeyska HUBAAL ayaa u dhignaa sidan: “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                                      Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                              Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                      In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday:                         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                            In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu: Markuu Arkay:       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                              Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                      In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Markuu La Tashaday:                        Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:                         Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:                            In ay hanan karaan xilalkan;

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).

  1. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).

  1. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cigse(Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL,

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here