Madaxweyne Siilaanyo Oo Xiiso tiray Xiinka Xubnaha Xukuumaddiisa Iska Casilay

0
43

“Iyagaa Ikhtiyaarka Leh, Dadkuna Waa Faro Badan Yahay, Dad Badan Oo Diyaar U Ah Baa Jira Inay Qaranka U Shaqeeyaan….”Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa si adag uga falceliyey xubno wasiirro ah oo hal mar si wada jir ah u shaaciyey inay iska casileen xukuumaddiisa, waxana uu sheegay in ciddii wada-shaqayntiisa aan ku qanacsanayni  bannayn karto kursiga ay ku fadhido.

Madaxweyne Siilaanyo oo idaacadda BBC-da siiyey waraysi kooban oo uu dhacdadan kaga falceliyey, ayaa sheegay in xubnaha iscasilay tallaabada ay qaadeen ay xaq u leeyihiin, isla-markaana halka bannayeen lasoo buuxin doono,

“Iscasilaadda waxan u arkaa dadku haddii ay la socon kari waayaan maamulka dawladda ah ee jira inay iscasilaan xaq bay u leeyihiin. Dawladduna isku adkayn maysee Halkoodii dadkale ayuun baa geli doona, Meeshana madaxweynaa xukuma ciddii  aan la jaanqaadi karin  maamulka iyo duruufaha jirana haddii ay iscasilayaan ha iska tagaan halkoodii dad uun baa geli doonee.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.siilaanyoo

Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in cidkasta oo aan ku qanacsanayn wada-shaqaynta madaxweynuhu iska tegi doonto, isla-markaana ay jiraan dad badan oo inay Buuxiyaan meelaha bannaanaaday diyaar u ahi, waxana uu yidhi, “xubnaha golaha iska casilay iyagaa ikhtiyaarka leh, dadkuna waa faro  badan yahay, dad  badan oo  diyaar u ah baa jira inay qaranka u shaqeeyaan ciddii ila shaqayn doontaana way ila shaqayn doontaa, ciddii iska tegaysaana way iska tegi doontaa.”

Dhinaca Kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay eedo xubnaha iscasilay u jeediyeen oo la xidhiidhey inuu dhinaca saaray midka mid ah dhinacyada Loollanka Kulmiye isku  isku haya,

“Eeda la iisoo jeediyey waxba kama jiraan anigu cid aan garab siiyey ma jirto, golaha saraana ku shuqul leh ciddii ay soo saaraana xisbigu nidaam iyo sharciyad buu leeyahay qaabka loo marayaan waa mid cad, Halka Golaha dhexe maraana waan mari doonaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here