Waxa uu ku sababayeey inaan labadan Xubnood midna sharcigu u ogaylayn ka mid noqoshada Koomishanka
Hargeysa (Hubaal) Ilawareedyo lagu kalsoonayahay oo waaheen heshay ayaa sheegay in Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku soo celinayo Xisbiyada Mucaaridka UCID iyo WADDANI Labadii xunbood ee uga qayb galayay Gudida doorashooyinka Somaliland kuwaasoo oo dhawaan ay Xisbiyadu u gudbiyeen Madaxweynaha.
Xisbiga Waddani ayaa Dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay Xubintii uga qayb galaysay Gudida doorashooyinka Qaranka oo ah Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo Dhawan iska casilayay Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga waddani.
Soo celinta Fadal ayaa la sheegayaa Madaxweynuhu inu u cuskaday In uu Fadal ahaa Xisbi yahan muddo dheer ka dhex muuqday Xisbiga wadani oo aanu noqon Karin Dhexdhexaad, maadaam oo aan la ogolayn in xubnaha Gudida doorashooyinku ay la kala saftaan Xisbiyada, Qofka Gudida ka mid noqonayaana sida sharcigu uu dhigayo inuu ahaado qof ka madax baan Axsaabta oo aan siyaasad wakhtigan ku lug lahayn, Sidoo kale madaxweynaha ayaa u cuskanaya soo celintiisa inuu fadal yahay xubin ku ad adag Mabda’a Xisbiga Wadani iyo tan iyo maalintii ay xibigu u gudbiyeen ayaa madaxweynuhu ka goows adaygay ka aqbalida Xubintan, Dhacadan ayaan ayan mid ugub ah Bale markii Xisbiga kulmiye mucaaridka ahaa waxa sidan oo kale uu madaxweynihii wakhtigaa rayaale uu ku soo celiyay Ilhaam Maxamed jaamaca oo xisgbiga kulmiye wakhtigaasi uga qayb galaysay gudida doorashooyinka taasoo soo celinteeda lagu sababeeyay inay ahayd Xisbi yahayn.Dhinaca kale Xubinta ay Xisbiga Mucaaridka ah UCID u soo gudbiyeen Madaxweynahaa C/fataax ibraahin xassan ayaan isagana ay u cuskadeen celintiisa inuu hore xubin uga ahaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka taasoo oo ay u daliishadeen celintiisa inaanu Sharcigu ogolayn hal mar wax ka badan inuu qof ka muwaadinka ahi noqdo Koomishoneer
Si kastaba aha ahaatee lama garanayo inay ku qanci doonaan Xisbiyada Mucaaridku soo celinta madaxweynuhu ku soo celiyay labadan xubnood, arrintan ayaa u muuqata inay khilaaf ka dhex abuuri doonto madaxweynaha iyo xibiyada mucaaridka ah iyadoo wakhtiyadii u danabaysa ay ku muransanayeen Labada diiwan-gelin ee xukuumadu is dul saartay oo xisbiyada mucaadku ku anadacoonayaan in xukuumadu damacasan tahay in dib u dhac ku yimadaan doorashooyinka