Madaxweyne Siilaanyo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Hargeysa Ku Geeriyooday

0
26

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Odayaasha, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Marxuum Ibraahim Xasan Aadan oo ku geeriyooday 19,05, 2016 Hargeysa.tacsi

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday qaran oo ka baxay shacbiga iyo dalkaba, kaalin muhiimana kulahaa, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, waxanu madaxweynuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Marxuumka Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa-cadde) oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here