Madaxweyne Siilaanyo Waa Geesi Aan Gaban Guushana Yaqaan, Waxaan Ku Hanbalyeynayaa Khudbadii Uu Shalay U Jeediyey Warbaahinta‏. By: Ugbaad

0
42

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waanu ku hanbalyeynayaa Hadalka geesinimada leh, waana mid soo jireen ah oo waligii lagu yiqiinay, Madaxweyne siilaanyo sida uu sheegay isaga kursiga ku fadhiya isagaa ah Madaxweynaha Qaranka, waxaana uu ku fuulay Cod ninkii caytamaaya iyo kii cadhoonayaba ciil uma qabo.

Bulshada Somaliland waxay markale heegan u tahay inay doortaan Madaxweyne siilaanyo si uu dalka u gaadhsiiyo horumar kana dhabeeyo himilada qaranka,  cidkastaaba waa ogtahay inaan Madaxweyne siilaanyo dalkan cidi uga lexejeclo badnayn tusaale waxaa kuugu filan hogaamintiisii uu 10 soo waday  Jabhadii Mujaahidiintii SNM waayo ninka Jabhad hogaan usoo noqday wuu garanayaa dhibteeda,  waxaa kale oo tusaale fiican kuugu filan inuu ahaa ninkii 80-cod oo laga musuq maasuqay inuu dagaalamo ka door biday danta qaranka ee yidhi waan tanaasulay.

Madaxweyne axmed maxamed maxamuud aadan wuxuu haybad iyo astaan u yahay qaranka somaliand waa hogoomiye leh sifooyin wanaagsan yaqaana sida dadka iyo dalka laysugu wado, Madaxweyne siilaanyo waxaan ku hanbalyeynayaa kuna amaanayaa hadalkii uu shalay u jeediyey Saxaafada ee uu ka hadlaayey Arinta ninka isku magacaabay suldaan wabar, waxaanan u boday sida uu arintaasi uga hadlay iyo go,aanka geesinimada leh ee uu qaatay  oo waligiiba lagu yiqiin sila sidoo kale Madaxweynaha waxaan iyana ku hanbaleynayaa sida uu uga hadlay khilaafka iyo yooyootanka Xisbiga Kulmiye waxaan ku farxay sida uu runta ugu sheegay  kuwa isku hirdiyaaya kursiga uu ku fadhiyo.

Axmed Maxamed Maxamuud Aadan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland  geesinimada iyo hadal yaqaanimaduba waa miduu waligii caan ku ahaa,  waa hogaamiye leh go,aan xiliga ay xalaadu xuntahayna yaqaana sida loo samata saaro, waa waayo arag usoo joogay wax badan, Mudane Madaxweyne waxaan ilaahay kaaga baryeynaa Caafimaad, Cimri Dheer iyo Cibaado suuban, waxaan kuu rajaynaynaa inaad qarankan sidaa u hogaamiso inta laga gaadhayo himilada.

Miss: Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here