Madaxweyne Siillaanyo Oo Sheegay In Sharciga Loo Raaci Doono Khilaafka Muddo Kordhinta Ka Taagan

0
27

“Dalku Sharci Ayuu Leeyahay Sharcigu Waxa Uu Yahay Ayuunbaa Laga  Raacayaa (Khilaafka Muddo Kordhinta)” Madaxweyne Siillaanyo

SiilaanyoaHargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirada ayaa safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaarada Ethiopia Hailemariam Desalegn. Madaxweynaha, ayaa dalka ka baxay xilli aan wax xal ah laga gaadhin muran ka dhashay Muddo-kordhin ay Golaha Guurtidu usameeyeen oo ay kadambaysay Heshiis ay xukuumadda iyo Axsaabta qaranku isla gaadheen.  Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqadda geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.  Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Halkaas ku maqnaan doono muddo kooban oo aan laba maalmood ka badnayn, waxana madaxweynaha la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaadan doono Ra’isal wasaaraha Dalka Ethiopia.

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka

Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde

    Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade

    Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali

    Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland   ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka ka taagan muddo kordhinta iyo heshiiskii ay gaadheen Xisbiyada iyo xukuumadda ee ay guurtidu ku gacan saydhay. Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo wax laga waydiiyey midka uu raacsan yahay heshiiskii xukuumadda iyo xisbiyada iyo go’aanka guurtidu ku adkaysanayso, ayaa waxa uu sheegay in uu dalku sharci leeyahay oo loo raaci doono sharciga dalka u yaalla muranka muddo kordhinta Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa weeyaan dalku sharci ayuu leeyahay, nidaam ayuu leeyahay oo cid ayaa qaabilsan hawlaha caynkaas ah, sharcigu waxa uu yahay ayuunbaa la raacayaa”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here