Madaxweyne Silaanyo Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Soo Dhaweeyey Madaxweynihii Hore Ee JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin, Oo Wakhtigan Dalka Ku Sugan+SAWIRRO

0
55

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xalay kulan Casho sharafeed ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelinaysay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan.

099A4001

Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinaysay Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Safiirka Somaliland u fadiya Imaaraadka, Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo xubno kale.

Madaxweyne Silaanyo ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo wakhtigan dalka ku sugan.

099A4000

Kulankan oo aan ahayn kii u horeeyey ee ay wada yeeshaan madaxweynaha hada tallada haya iyo madaxweynihii hore, tan iyo intii ay xilka la kala wareegeen dhamaadkii sanadkii 2010 kii.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here