Madaxweyne Trump: Ma Ahayn Inuu Dalkeena Yimaado Soomaligii Weerarka Ka Geystay Jaamacada Ohio

0
23

kkkkkkkkkkk

Ohio-(Hubaal/Somalilandspan) -Madaweynaha xilka sugaya Donald Trump ayaa ku sheegay inaanu ku haboonayn imaatinka Maraykanka nin Soomaali ah oo weerar dhaawacyo sababay ka geystay Maraykanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cartan, oo arday ka ahaa jaamacada Ohio ayaa dhaawacyo ku gaadhsiiyey mindi 11 ruux, ka hor intaan ciidamada Booliisku rasaas u ku dhintay ku ridin.

Mr. Trump, Madaxweynaha xilka sugaya ee Maraykanka oo fariin ku faafiyey bartiisa twitter ku yidhi, “ISIS waxay ku faanayaan weerarka mindi ka dhacay Jaamacada Ohio, uu geytay Soomaali Qaxooti ah, oon u qalmin unuu dalkeena yimaado.”

Ninkan Qaxootiga ah ayaa la sheegay inuu Maraykanka yimi isaga iyo shan caruur au walaalo yihiin iyo hooyadood, sannadkii 2014, ka dib markuu muddo 7 sannadood xeryaha qaxootiga Pakistan ku jiray.

Wakhtigii ololaha doorashooyinka ayuu Mr. Trump ugu baaqay inuu si kooban uga mamnuuci doono dhamaan Muslimiinta imaatinka Maraykanka, laakiin, markuu ku guulaystay doorashada ayuu ka saaray mareegtiisii ololaha hadalkaa.

Ninka ciidamada Booliisku dileen cartan ayaa qeyb ka ah tobanaan kun Soomaali ah oo magangelyo qaxootinimo weydiistay Maraykanka, xilligii dagaalada sokeeye ka bilaabmeen dalkooda Soomaaliya sannadkii 1990-kii.

Ciidamada amaanka ayaa aaminsan in Cabdi Cartan isbedel ku keentay dacaayadaha kooxaha xagjirka, taasoo ku ajburtay inuu weerar ka geysto jaamacada Ohio.

Ciidamada sirdoonka FBI ayaa weli baadhitaano ka wada aqalkii Cabdi Cartan, laakiin, xildhibaan Adam Schiff, oo laga doorto California, kana mid ah guddiga Sirdoonka baarlamaanka ayaa sheegay inaanu ku arkin wax raadad ah uu la leeyahay kooxaha xagjirka dibedaha.

Salaasadii, kooxo sheegtay ISIS ayaa ku sheegay Cartan “Askari ka tirsan dawlada islaamka’ oo fuliyey hawlgal uu kaga jawaabayo beegsashada wadamada xulafada. Kooxda ayaa hore sidan oo kale u sheegtay weeraro lagu qaaday wadamadda reer-galbeedka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here