Washington(Hubaal):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayey ku soo laba kaclaysay fadeexad la xidhiidha faraxumayn iyo iskuday kufsi, ka dib markii ay Gabadh u tartantay ka qaybgalka Barnaamijka Apprentice oo hore ugu eedaysay Trump in uu isku dayay in uu iyada faro-xumeeyo ay Maxkamad geysay Dacwad la xidhiidha inuu sumcaddeeda wax u dhimay.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Summer Zervos, ayaa Trump ku eedaysay sannadkii 2007-dii in uu Qaranka Maraykanka uga been sheegay dabeecadihiisa. Dacwaddan bah-dilka ah ayay Summer ku shaacisay Shir Jaraa’id oo ay qabatay, ayaa sheegtay in uu Trump yahay Beenaale iyo mid Haweenka u daran, isla markaana uu sumcaddeeda weeray, waxaanay tidhi; “Trump waa beenaale Dumarka u daran, isla markaana sumcaddayda hoos u dhigay, si xaq-darro ahna uu ii eedeeyey.”
Warkan ayaa imanaya saddex maalmood ka hor maalinta Xilka loo dhaarinayo Madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Mr. Donald Trump, isla markaana si buuxda ula wareegayo xilka 21-ka bishan.
“Maaddaama oo Trump aanu ka laabannin hadalkiisa, sidii aan ka codsaday, iimuu bannaynin Jid aan ahayn in aan Dacweeyo si aan madmadawga uga saaro wax u dhimidda Sumcaddayda iyo Sharaftayda.” Sidaa ayey tidhi Haweenayda Summer oo Saxaafadda kula hadlay Shirka Jaraa’id ee ay ku qabatay magaalada Los Angeles, sida ay caawa baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu ka soo xigannay Warkan.
Summer Zervos waxaa Shirkeeda Jaraa’id ku wehelisay Qareenkeeda gaarka ah oo lagu magacaabo Gloria Allred oo ah Gabadh u ol’olaysa Xisbiga Dimuquraaddiga ee uu Jamhuuriga Trump ka sharraxnaa doorashadii Madaxtinnimada kaga guulaystay.
Waxaa ay Summer Zervos ka mid tahah dhawr Dumar ah oo Madaxweyne Trump ku eedeeyay fara-xumayn toddobaadyadii ka horreeyay doorashada Madaxwaynennimada Maraykanka ee dalkaas ka qabsoontay 8-da bishii 11-aad ee sannadkii 2016-kii ee uu Donald ku guulaystay. Waxaanay Haweenaydani sheegtay in Trump uu faro-xumaynta u geystay intii uu socday kulan fursad shaqo ku saabsanaa oo ka dhacay Hoteelka Beverly Hills.
Madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayaa Been ku tilmaamay eedaymahaas, waxaanu Wacad ku maray in uu Maxkamad la tiigsan doono Haweenka Gabadhani ka midka tahay ee Faraxumaynta ku eedeeyey isaga. Hase-yeeshee, Trump oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan illaa hadda ma jirto Mid ka mid ah Haweenkaas oo uu daceeyey, balse Gabadhan ayaa Dacwaddeedu ka horreysay, oo Maxkamadda u gudbisay Dacwadda ka dhanka ah Trump sida ay hadda sheegtay.
Aftahannews