Hargeysa:(Hubaal)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyey inuu Khayraadka waddanka ku duugan ku dhiirrado sidii dibadda loogu soo saari lahaa, isla-markaana dadku ugu kala nasan lahaayeen.
Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu waxqabad badan muujiyey, balse ay wali qabyo dhinaciisa ka tahay Soo saaridda Khayraadkii waddanku lahaa,
“Madaxweyne Waxqabadkaagii Aragnaye Wax Soo Saarkaagii Baa Hadhay, wax soo saarkana waxan uga jeedaa inaad ku dedaasho khayraadka waddanku leeyahay oo aad umadda usoo saarto, waayo waa la kala nasan lahaa oo nin Baloodh raadiyaaba ma jireen nin waliba dhagax yar oo dhalaalaya ayuun buu jeebka gashan lahaa oo suuqa u iibgeyn lahaa.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaanka ayaa dhinaca kale Madaxwenaha oo fadhiyey Goobta uu hadalkan ka jeediyey uga Faa’idaysatay Baahi dhinaca Derejooyinka sare ee Ciidamada ah oo beeshiisu tabanayso, waxana uu madaxweynaha ka codsaday inuu Jananno u magacaabo, waxana uu yidhi,
“ Beeshayadu Janan Wali May Gaadhine Madaxweyne Janankiina bal noo Magacow.”
Suldaanka waxa uu sidoo kale Ammaan usoo jeediyey mashruuc kor loogu qaadayey Garoonka Cigaal International Airport oo madaxweynuhu maalintii shalay Xadhiga ka jaray.