Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Addis ababa Kula Kulmay Saadiq Al Amiin Iyo Abo Mbeki

0
25

Addis ababa (Hubaal)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland   Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis,  ayaa la kulmay madaxweyninihii hore koonfur Africa Thabo Mbeki ahna Gudoomiyaha gudiga sare ee xalinta khilaafaadka koonfur afrika iyo chief staff ka gudigaasi. safiirka Somaliland ee itoobiya Maxamuud Jaamac Aadan Galaal oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo South Afrika ay yihiin laba wadan oo khabiir ku ah dhinaca nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka,isla markaas hadii labada khibradood la isla kaashado ay wax weyn ka tarayso nabadaynta Koonfurta Suudaan Somalilandna ay diyaar u tahay inay khibradeeda la wadaagto.  11892231_10153071805871711_4713904001861265440_nwasiirka arrimaha dibada JSL Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay somaliland buuxisay shuruudihii lagu aqoonsan lahaa dawlad, isagoo xasuusiyay Thabo Mbeki markii uu madaxweynaha ahaa inuu ka garaabay qadiyada ictiraafka somaliland imikana looga fadhiyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa xidhiidhka labada dal.  Madaxweyne ku xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna uga waramay heerarkii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay iyo horumarka ay ku talaabsatay iyadoon beesha caalamka ka helin gacantii ay uga baahnayd isagoo sidoo kale ku dheeraaday kaalinta hormoodnimo ee koonfur afrika kaga jirto qaarada afrika loona baahan yahay sidii ay uga ololayn lahayd qadiyada madaxbanaanida Somaliland. Madaxweynihii hore ee koonfur afrika Thabo Mbeki ayaa ku ammaanay somaliland sidii ay meel hoose  wax uga soo bilowday nidaamka dawladnimo soona gaadhsiisay heerka ay maanta taagan tahay ee ay ku naaloonayso dimuquraadiyada nabada iyo xasiloonida.  Geesta kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland la kulmay Madaxweynihii hore ee Suudaan saadiq Al amiin oo ay ka wada hadleen arrimo dhawra.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here