“Meeshaa saldhigga laga bixiyey muddadaas laga kireeyey madaxweynuhu ma geli karo, sharciga dalkuna ciidanka halkaas yimaadda ma qaban karo, colaad jiiraanka ka iman kartaana waa khasaare kale oo iman kara…”
“Hadii saldhigaas muddo dheer laga kireeyey waxa dhici karta in halkaas lagu aaso qashinka Hubkooda wixii kasoo hadha oo ay meeshu qashiin-qub noqoto, maadaama aanay dawladdu ahayn dawlad weyn oo iska ilaalin karta,…….”Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa si adag uga digay dhibaatada ka iman karta saldhigga militeri ee la filayo inay xukuumaddu magaalada Berbera ka siiso dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii dambe si weyn loo hadal hayey.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay aqalka uu ka deggen yahay magaalada Hargeysa, ayaa su’aalo badan oo aan jawaabahooda la haynin ka keenay saldhigaas, waxana uu si cad u sheegay in halis weyni qaranka iyo bulshada deegaankaba kaga iman karto haddii xukuumaddu arrintaas ku dhiirrato.
Mudane Yaasiin waxa uu ugu horrayn faahfaahiyey macnaha uu yeelan karo saldhiga ay bixintiisa xukuumadda iyo dawladda Imaaraadku ka wada hadleen, waxana uu xusay inuu halis badan ku yeelanayo bulshada deegaanka,“Horto saldhig muxuu yahay?Saldhig waa dawlad meel kale ama dawlad kale ka doontay meel ay degto oo ay ka duusho, wax walibana khasaare iyo faa’iido ayuu leeyahay, saldhigaasina deegaanka halkaas laga samaynayo wax buu yeelayaa, haddii ay mid bulsho tahay, haddii ay mid biyood iyo mid berriba tahay waxbuu yeelayaa xagga caafimaadka” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Isaga oo Axmed Yuusuf Yaasiin sharraxaya halisaha bulsho iyo kuwa dhaqan-dhaqaale ee saldhigaasi umadda iyo waddankaba ku keeni karo, ayuu yidhi, “hadii saldhigaas muddo dheer laga kireeyey waxa dhici karta in halkaas lagu aaso qashinka Hubkooda wixii kasoo hadha oo ay meeshu qashiin-qub noqoto, maadaama aanay dawladdu ahayn dawlad weyn oo iska ilaalin karta, waxa kale oo ay keeni kartaa dhaqan-xumo oo dhaqanno aynaan lahaan jirin, ayaa waddankaa la keenay kai man kara.”
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu si cad u iftiimiyey in haddii xukuumaddu saldhigaas ogolaato aanu xataa madaxweynaha qaranku booqan Karin saldhigga, isla-markaana aanu sharciga dalku qaban doonin ciidamada halkaas la keeno, “meeshaa saldhigga laga bixiyey muddadaas laga kireeyey madaxweynuhu ma geli karo, sharciga dalkuna ciidanka halkaas yimaadda ma qaban karo, colaad jiiraanka ka iman kartaana waa khasaare kale oo iman kara” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Mar uu Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlayey dhinaca qiimaha iyo qaddarka lacagta ah ee lagu kirayn karo, ayuu farta ku fiiqay in loo baahan haddiiba saldhigaas la kiraynayo in waxa lagu beddelayaa ay ahaato ictiraaf dalka la siiyo, waxana uu yidhi,“Waxbaa la kala iibsanayaa, innaguna wax baynu iibsanaynaa, cidda aynu meeshaas ka kiraynaynaana waa inay ahaataa cid ina ictiraafaysa, waana inay ahaataa dawlad dhaqaale xooggan meeshaas gelin karta, xag ciidan, xag dhaqaale, xag tababar iyo xag maaliyadeedba.”
Isaga oo ka hadlaya qiimaha lacagta saldhigaas lagu kirayn karo, isla-markaana bulshada xusuusinaya lacagtii dalweynaha Ruushka laga qaadi jirey wakhtigii ay Berbera saldhigga ku lahaan jireen, ayuu yidhi,“Tusaale ahaan saldhiggii midowgii soofiyeetku halkaas ku lahaa toddobaatannadii waxa ay sanadkii bixin jireen $40,000(afartan miylan)oo dollar sanadkii iyo tabobar iyo qalab ciidan, saldhigyaduna waxa ay u kordhaan sida dhulka oo haddii uu berigaas ahaa afartan milyan maanta waa inaanu ka yaraanin $140,000(boqol iyo afartan milyan).”