Ismaaciil Cumar Geelle Oo Diyaaraddii Uu Saarnaa Dib Uga Noqotay Hawada Xamar Iyo Cumar Xasan Al-bashiir Oo Ka Cudur-daartay Ka Qayb-galka Shirka
Muqdisho (Hubaal):- Madaxda Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay Shir Hal maalin ah soconayay uu shalay uga furmay, isla shalayna ugu dhammaaday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Soomaaliya lagu qabtay wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Shirkaas oo uu si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaanay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa Madaxweynayaasha Shirkaas lagu casuumay iyagu ka soo qaybgelin oo ka baaqday, isagoo Madaxweynaha Sudan ka cudur-daartay imaatinka shirkaas, beddelkiisana Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsan soo wakiishay.
Halka Madaxweynaha Jabuuti Diyaaraddii sidday la sheegay inay Cilladi ku timi oo ay Jabuuti dib ugu noqotay isla shalayba, beddelkiisana ay Shirka ka qaybgaleen Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsani sida uu xaqiijiyey Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belelloo) oo Warbaahinta la hadlay markii la shaaciyey in Madaxweynihiisu dib uga laabtay Hawada sare ee Soomaaliya. Balse waxa fadhiistay oo Marti ahaa Madaxweynaha Kenya, Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo weliba Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu shirka furay martina loo ahaa. Ergooyinka kale ee madasha ku sugnaa shirkana fadhiyey waxaa ka mid ahaa hoggaamiye-yaasha dalalka Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Soomaaliya iyo weliba Masuuliyiin ka socday dalalka Sudan iyo Sudanta Koonfureed. Shirkan oo la filayay in uu qabsoomo sabtidii aynu soo dhaafnay ee toddobaadkan oo dib u dhac ku yimi ayaa shalay furitaankiisu dhacay, waxaanu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca muddo 30 sano ku dhow, si kale haddii loo dhigana waa markii u horreysay ee magaallada Muqdisho lagu qabto shirka urur gobolleedka wadammada bariga Afrika ee IGAD tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1986-kii. Ajendaha Kulankan urur-gobolleedka Wadamada IGAD ku bahoobeen ayaa qoddobada dooddooda diirrada lagu saaray isla markaana lagu falanqeeyey waxaa ka mid ahaa amuuraha doorashooyinka iyo nabadgelyada ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale qalalaansaha ka taagan Sudan-ta Koonfureed, sida uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mr. Cabdisalaan Hadliye. Urur-goboleedka IGAD, waxaa xubno ka ah Waddamada Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Sudan-ta Koonfureed iyo Soomaaliya. Calammada dalalka IGAD xubnaha ka ah, ayaa la sudhay Garoonka Diyaardaaha ee Muqdisho iyo Goobta Shirkaasi ka socdo ee Huteel Peace ee isla Muqdisho. Nabadgelyada guud ahaan magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Gaadiidka laga mamnuucay ama laga joojiyey in ay isticmaalaan ama maraan waddooyinka magaalada qaarkood. Waddada tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan-cadde iyo Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay inay maraan ama isticmaalaan Baabuurta kala duwan iyo Dadka lugaynaya, marka laga reebo Baabuurta Hay’adaha Ammaanku wataan oo keliya.