Khardum: (Hubaal)-Madaxweyneyaasha Sudan iyo Kenya ayaa kulan ku leh Khartoum Sudan, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo caalamka saamayn ku yeelan kara.
Waxa ay masuuliyiintaasi ka wada xaajoonayaan sidii dalalkooda khaasatan iyo guud ahaan dalalka Afrika oo dhan looga saari lahaa maxkamada ICC.
Madaxweyneyaashaa ayaa sheegay in ICC ay tahay hub lagula dagaalamo dalalka Afrika iyadoo si gaar ah u bar tilmaansata madaxda Afrika isla markaana aan caddaalad ahayn. Sidoo kale ayaa labada masuul ka wada hadli doonaan ammaanka gobolka.
Dhanka ammaanka ayaa labada madaxweyne ay ka wada hadlayaan xiisada colaadeed ee Koofur Suudaan.
Booqashada dalkaa uu ku joogo Madaxweyne Kenyatta oo qaadan doonta 2 maamlmood ayaa usuurta galinaysa labada madaxweyne sidoo kale in ay isla soo qaadaan amuuraha kale ee khuseeya IGAD.