“Madaxweynuhu Doorasho Diyaar Buu U Yahay,Laakiin Koox Ku Xeeran Ayaan Doorasho Inay Dhacdo Rabin”

0
24

Hargeysa(Hubaal):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ee ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul uga hadlay arimaha doorashooyinka iyo mudo kordhinta la hadal hayo.

Cabdiraxmaan XoogXildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu xukuumada ku eedeeyey inay doorashada la sugayo doorashada Xamar laga qabanayo  laakiin waxaa uu tilmaanay inaanay taasi suura gal ahayn waxaanu yidhi “Dawladani waxay nala sugaysaa  doorashada 2016-ka ka dhacaysa Xamar, dadkana waxay u cabudhinaysaa oo ay u cadaadinaysaa in dalka laga yaaco arinkaasina mid u suura galaya maaha, xukuumadu  waa inay qabataa doorasho  xiligeeda ku dhacda, waxaanay xukuumadani sharci tahay inta laga gaadhayo  bisha lixaad ee sanadkan wixii intaas ka danbeeyana dawladu waa qayrul sharci ah.” Ayuu yidhi xildhibaan Xoog.

Sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxa uu sheegay inay xildhibaanada mucaaridka ahi go,aan ka soo saari doonaan haddii xukuumadu doorashada wakhtigeeda ku qaban waydo waxaanu yidhi “Haddaanu nahay xildhibaanada labada xisbi mucaarid go,aan adag ayaanu ka soo saaraynaa haday doorashada wakhtigeeda ku qaban waydo, ma jirto wax kordhin la yidhaahdaa  shuruudihii dastuurku sheegay  ee kordhinta banaynayey wax dalka ka jiraa ma jiraan,Aafo baahsani ma jirto, Abaar baahsani ma jirto, somaliland nabad ayey  ku naaloonaysaa sabab  xukuumadu  u cuskato kordhina ma jirto.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay madaxweynaha gacantiisa ku jirin talada dalku waxaanu yidhi “Madaxweynuhuna talada dalka imika wuxuunbaa loo akhriyaa  oo loo qurxiyaaye  dee odaygii ma joogo, arimihiisana nin ragi wuu ogyahay doqona loo sheegi maayo  halka xaaladiisu marayso, in dad kale awoodisii  ku tagri falaan oo ay u maamushaan kolbana ay madaxweynaha meeshii ay doonaan geeyaan  oo kol ay yidhaahdaan sidii oday geelii ba’ay  Awdal tag  kolna Laascaanood ka soo jiiree  adiga oo aan waxba qabanayn   oo iska soconaya taasina dadka kalsoonidooda lagu kasban maayo.”

Ugu danbayntiina xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxa uu sheegay inuu madaxweynaha somaliland diyaar u yahay inuu doorashada qabto balse ay dadka ku xeerani aanay ogolayn inay dalka doorasho ka dhacdo waxaanu yidhi “Madaxweynuhu sidii uu hore labada gole qaran uga hor cadeeyey ee uu yidhi maalin ku darsan maayo, madaxweynuhu doorasho wuu ogol yahay laakiin dadka ku xeeran ayaan doorasho doonayn  dadka ku xeeran ayaa taladii ka haysta waana in talada madaxweynaha loo daayo, madaxweynahana tartan xalaal ah ayaanu la galaynaa  oo cod ah madaxweynuhuna cod ayuu meesha ku yimid  xabad kumuu qabsan, markaas waxaanu leenahay dawladu yaanay xukunka ku sii dhagnaan oo aanay xoog isticmaaline ha timaado, sidii lagu doortay ayaana lagu ridayaa waana dhab oo waa la ridayaa.” Ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here