Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) Oo Madaxweynaha U Duceeyey, Mucaaridkana U Dardaar weriyey
Hargeysa (Hubaal)- Xaaji Cabdikariin Xuseen (cabdi-waraabe)oo kamid ah odayaasha ugu da’da weyn somaliland, isla-markaana talo-qabeennada ah, ayaa si kooban uga Hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxana waanooyin u jeediyey ragga hoggaanka dalka uu hungurigu ka hayo. Xaaji Cabdi oo shalay ka hadlayey munaasibad loo qabtay xuska 55-guurada kasoo wareegtay markii somaliland ay xorriyadda ka qaadatay ingiriiska, ayaa xisbiyada mucaaridka uga digay inay fadqalalo ku raadiyaann hoggaaminta dalka, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, “Waxaynu ILAAHAY Ka baryeynaa inuu Aqoonsiga aynu mutaysannay ina siiyo oo aynu shirarka caalamka ka faa’iidaysano oo iyaganaynu wax ku tarno, Buuqa ha laga ilaaliyo tartan waa la ogol yahay buuqse lama ogola, waxaan leeyahay meel ha looga soo wada jeesto goba nimada”, Waxaanu intaa kudaray “Ninka kurisga doonaya ee mucaaridka ahi isaga ayaa rasmigii ah oo doonaya kursiga, yaanuu dhooqayn oo aanuu caruur iyo naago soo kicinin oo dadka shicibka wareer galinin. waxaan leeyahay kalgacal ha lagu wada shaqaysto”. Xaajiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa wasiirradii iyo masuuliyiinti kale ee Gooobta xuska joogtay la kaftamay, waxana uu yidhi,“intiina halkan fadhiyaa mid madaweyne Doonaya iyo mid aan doonaynba waxba kama garanaysaa maalintaas la xusayo, waayo mustacmarkii baan idin dhibin.” Waxa uu xaaji Cabdikariin si weyn ugu duceeyey madaxweyne Siilaanyo, waxana uu u rajeeyey cimri dherer,“Madaxweynuhu ha raaggo kii haya ha noqdo, waa nin weyn oo caqli leh, waa nin min madaxii ilaa mijihii ogaaye cimriga alla ha u barakeeyo.” Ayuu yidhi Cabdi-waraabe.